Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geedi ayaa sheegay in ammaanka gobolka banaadir lagu sameeyay isbeddel weyn islamarkaana haatan ay soconayaan howlgalo lagu xaqiijinayo amniga magaalada muqdisho.
Taliyaha ayaa digniin waxa uu u diray ciidamada xiran dareeska ciidanka sitana hubka dowlada ee aan howlo shaqo ku laheyn ama mid amni inaan lagu dhex arki Karin gobolka banaadir.
Taliyaha ayaa faray ciidamada in ay u hogaansamaan amarada saraakiisha islamarkaana ay ciidanka kju ekaadaan xarumahoosa ama xerooyinka ay ku jiraan.
Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geedi ayaa sheegay in sharciga la horgeynayo askarigii lagu qabtaa isagoo ku sugan meel ka baxsan xerooyinka ama goobaha lagu ogyahay waxa uuna tilmaamay in ay jiraan ciidamo gaar ah oo ay dowlada ogtahay in ay xaqiiijiyaan amniga gobolka banaadir gaar ahaan goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.

