Waxgaradka Degmada Caabud- Waaq ayaa wado dadaalo nabadeed oo lagu xalinayo dagaal u dhaxeeyay maleeshiyo beeleed hubeysan oo shaley ka dhacay degmada caabudwaaq ee gobolka galgaduud.
Nabadoon Yuusuf Shire oo kamid ah odayaasha degmada caabud-waaq ayaa idaacadda simba u sheegay in ay haatan soconeyso waan waan ay wadaan waxgaradka degmada si xal waara loga gaaro dagaalki shaley dhacay.
Nabadoon yuusuf ayaa waxa uu sheegay in maamul rasmi ah oowax ka qabankaro xaalka degmada uusan jirin islamarkaana maamulka galmudug uusan awood u laheyn in uu xaqiijiyo amaanka degmada.
Shaley waxaa degmada caabud-waaq ka dhacay dagaal sababay dhimashada 6 qof iyadoona dad inta ka badan ay ku dhaawacmeen.
Dagaalka degmada ka dhacay waxa uu dhaxeeyay maleeshiyo beeleed hubeysan iyadoona weli magaalada xiisad ay ka taagan tahay.

