Wararka ka imaanaya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya In gudaha degmadaas rag hubeysan ay ku dileen nin oday dhaqameed ahaa.
Nabadoon Hilowle Xafow oo kamid ahaa nabadoonada Soomaliyeed islamarkaana si weyn loogu yaqaanay gudaha degmada wadajir ayaa galabata lagu dilay gudaha balse Raggan oo aan heybtoodu la garanayn, ayaa waxaa la sheegay inuu ku soo baxay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda, isla-markaana uu dhaawacay.
Dhanaka kale Ciidamada ammaanka ee ka hawlgala Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, ayaa waxaa la soo sheegayaa in goobaha caafimaadka degmadaas ay u qaadeen raggaasi, si daryeel caafimaad loogu fidiyo.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Mudane C/fitaax Cumar Xalane ayaa dhankiisa xaqiijiyay in nabadoonka uu markii hore soo gaaray dhaawac culus balse markii la geeyay goobaha caafimaadka uu geeriyooday.
Dhanka kale Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa raga dilka geystay kusoo bandhigay isla galabta Gudaha degmadaas iyagoo dhaawac ah.
Goobta galabta lagu soo bandhigay labadan nin, ayaa waxaa ku sugnaa Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani), Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, Bishaar Abshir Geedi, Gudoomiyaha Degmada Wadajir, Axmed Cabdulle Afrax iyo masuuliyiin kale
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) ayaa askartii qabatay raggaasi ku abaalmariyay lacag dhan shan kun oo dollar.






