Kenya oo Sudaan Kala Hadashay Sidii Loo Taageeri Lahaa Amina Maxamed oo u Sharaxan Xilka Ururka  Midowga Afrika

0

Madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta oo booqasho ku tagay dalka Suudaan ayaa madaxweynaha dalkaas Mudane Cumar Xasan Al-bashiir kala hadlay sidii loo taageeri lahaa Wasiirada Arrimaha Dibada Kenya Amina Maxamed Jibriil oo u tartameysa xiligaan gudoomiyaha ururka Midowga Afrika.

Madaxweyne Uhurru Kenyatta ayaa kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Al Bashiir ay sidoo kale ka wadahadleen xaalada dalalka Somaliya iyo Sudaanta Koonfureed oo ay dagaalo ka socdaan,waxaa sidoo kale kulanka diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa ganacsiga ka dhaxeeya labada dal iyo waliba arrimaha la xariira Maxkamada Caalamiga ah ee ICC ee fadhigeedu yahay The Hague, Holland.

Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya Aamina Maxamed Jibriil oo asal ahaan kasoo jeeda  dalka Soomaliya ayaa haatan u sharaxan in ay noqoto Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, waxayna Kenya u olalaynaysaa sidii guul ay u gaari laheyd.

Aamina Maxamed Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya  waxay la tartami doontaa Agapito Mba Mokuy oo u dhashay dalka Equatorial Guinea, Abdoulaye Bathily oo Senegal iyo Pelonomi Venson-Moitoi oo u dhalatay dalka Botswana.

Bishii July ee Sanadkan ayey doorashada Guddoomiyaha midowga Afrika ka dhacday magaalada Kigali ee dalka Rwanda, waxaana musharrixiintii isu soo taagay ay ku guuldareysteen inay helaan mid koodna codadkii loo baahnaa ee saddex meelood labo meel ka dib todoba wareeg oo la codeeyey.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here