Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-shabeelle Mudane Cali Jeyte Cusmaan oo kormeeray ku tagay xarumaha Ciidamada Gobolkaas ayaa balan qaaday in Ciidamada booliska dowladda Soomaliya ay heli doonaan xaquuqdooda iyagana loogu baahan yahay in ay kasoo baxaan waajibaadkii loo ikmaday.
Mudane Cali Jeyte Cusmaan ayaa Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-shabeelle ayaa balan qaaday in la tayeyn doono Ciidamada Booliska ee Gobolkaas ka howlgala si ay u sugaan amaanka Gobolka.
Waxaa uu sheegay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka ee Maamulka Hir-shabeelle inuu horay u soo ahaa ciidan, isla markaana waxa ugu weyn ee uu sameyn doono ay tahay wax ka qabashada xaaladaha amniga Gobolka Hiiraan iyo sidii ciidamada Booliska ay bil walba u heli lahaayeen mushaarkooda ay xaq u leeyihiin.
Wareegto kasoo baxay dhawaan Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Cali C/laahi Osoble ayaa lagu magacaabay Mudane Cali Jeyte Cusmaan waxaana xilkii laga qaaday Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ahaa Gudoomiyhii Gobolka Hiiraan, iskastoo uu arintaas ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.















