Wararka ka imaanaya duleedka degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa sheegay in xiiisad dagaal oo u dhaxeyso ciidamada puntland iyo koox sheegatay in ururka Daacish.
Dad ku sugan qandala oo la hadlay idaacada simba balse diiday inaan cododkooda baahino ayaa inoo xaqiijiyay in ciidamo hubeysna oo ka tirsan maamulka puntland islamarkana saaran doonyo qoryo ay ku rakiban yihiin ay tageen xeebta Qandala.
Buuraha ku xeeran Qandala waxaa la rumeysan yahay in ay ku dhuumaaleysanayaan rag ka tirsan kooxda daacish.
Dhawaan waxaa Qandala gaaray mudo kooban la wareegay koox sheegatay in ay xariir la leeyihiin Daacish.
Maamulka puntland waxa uu sheegay in ay u diyaar garoobeen dagaal ka dhan ah daacish oo weerar ku soo qaaday deegaano ka tirsan gobolka bari waxa ayna haatan puntland u muuqaneysaaa in ay dooneyso in ay daacish ragaan sheegtay in ay la shaqeeyaan kala dagaalanto dhanka badda.

