Gudoomiyaha degmada ceelbuur ayaa beeniyay warar sheegayay in ciidamada itoobiya ay isaga baxeen degmadaasi.
Gudoomiyaha degmada ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, Cabdi Xasan Maxamed (Biyo-quute) oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in warar aan jirin ay yihiin wararka sheegaya in ciidamada itoobiya ay isaga baxeen degmadaasi isagoonta tilmaamay in aysan jirin ciidamo ka baxay degmadaasi.
Gudoomiyaha ceelbuur ayaa sheegay in ciidamada itoobiya haatan ay doonayaan in fariisimo hor leh ay ka smaeystaan degmada duleedkeeda.
Dhinaca kale biyo quute ayaa waxa uu sheegay in ciidamada itoobiya ay haatan ku joogaan qorshaha guud ee howlgalka amisom.

