Akhriso:- Afhayeenka Ciidamadda AMISOM oo Ka Hadlaya Weerarkii Maanta Magaalada Beledweyne ka Dhacay

0

Waxaan Halkaan aan idin kugu soo gudbin  doonaa wareysi  afhayeenka Ciidamada AMISOM Joe Kibet  uu siiyay idaacadda simba ee Magaalada, wareysi waxa uu kaga hadlay weerarka ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Qarax aad u xoogan ayaa laga maqlay  beledweyne kaasi oo la sheegay in  lagu weeraray Saldhig ciidamada Amisom ay ku leeyihiin Magaalada Beledweyne arintaas maxaad ka ogtahay afhayeen?

1-Qaraxa lala beegsaday ciidamadeena ku sugan Magaalada balad weyne waxa uu lamid yahay weerarada Al-Shabaab ay ka fuliyaan dalka, dhowr jeer oo hore oo ayaan  isku daynay in aynu ka hor tagno weerarada nuucani oo kale oo shacabka Magaalada ayaa lana shaqeeya oo xiriir wanaagsan la leh qeybteena jabuuti ee ku sugan G/Hiiraan.

Qaraxaani weynu ka war heynay balse wuu nagu dhacay waxaana wadnaa howlgalo ku aadan qaabkii aan ugu hor tagi laheyn weeraradaani oo kale.

Maxaad noogu sheegi kartaa qasaaraha soo gaaray Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Amisom ee ku sugnaa saldhig ku yaala xaafada howlwadag ee Magaalada Beledweyne?

2- AMISOM labo kamid ah ciidameeda ayee qaraxaasi ku weysay oo kaga dhimatay halka hal askari uu dhaawac halis ah soo gaaray.

Waxaa la leeyahay weerarada Al-shabaab ay geystaan waxa ay saameeyn ku yeelan karaa howlaha sugida amaanka goobaha doorashada Soomaaliya maxaad ugu jawaabi laheyd arintaas.?

3-Ma jiraan wax saameyn ah oo uu ku yeelanayo howlaha sugida amaanka goobaha doorashada Soomaaliya ay ka dhacayaan sababtoo ah waxba kama badalayo qorshaheena sugista amaanka ah.

Su’aal ka baxsan weerarka maanta dhacay, maxay Amisom kala socotaa ka bixitaan ciidamaada Ethopia ee qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan?

4-AMISOM Waxa ay qaabeyneysaa goobaha ay ka baxeen ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayna qabsadeen kooxaha kasoo horjeedo dowladda in aynu ka shaqeyno amniga deegaanadaasi si aynu u xaqiijinayo amaanka shacabka halkaasi kunool, Sababaha Ciidamada Ethiopia ay ugu baxeen goobahaasi waa arimo la xiriiro carqaladaha cusub ee ka jira dalka Ethiopia balse AMISOM Waxaa ka go’an in goobahaasi ay ciidamo ay geeyaan.

Weerarka kadib waxaa la sheegay in ciidamadiinu ay rasaas huwiyeen dadkii ka ak dhawaan goobta uu qaraxa ka dhacay maxaad ka leedahay arintaas?

5-Markasta waxaan ku dadaalnaa qaabka ugu fiican ee shacabka aan kaga ilaalino waxyeelada ku aadan in qasaare uu kasoo gaaro hubka aan ku ridno Al-Shabaabka ka dhex dagaalama,

Waan og nahay in marko ay ka dhaceen dhacdooyin kala duwan oo lagu soo eedeeyey ciidamada AMISOM,

AMISOM ma xasuuqin dadka shacabka ah, waxa ayna ku dadaalaan in walaaca ku aadan in dadka shacabka ay waxyeelo kasoo gaarto weeradada kala duwan aynu la beegsano kooxaha kasoo horjeedo dowlada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here