Wasiiro ka kala tirsan Maamulka Puntland iyo Galmudug ayaa Maanta Wadahadal ka yeeshay dagaalada kusoo laablaabtay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, iyagoo kuwa xiriiray dhanka qadka Taleefanka.
Wasiirka Wasaaradda howlaha guud ee maamulka puntland Mudane Cabdirarashiid maxamed xirsi ayaa maanta sheegay inay mar kale wada hadal dhanka Taleefanka ah ay la yeesheen Wasiiro ka tirsan maamulka Galmudug, islamarkaana ay si qoto dheer ay ugu wada hadleen dagaalada maalmihii dambe ka dhacay Magaaladaas ee u dhaxeeyay Ciidamada Galmudug iyo Puntland.
Wasiirku Wasaaradda howlaha guud ee maamulka puntland waxa uu kaloo sheegay in dhanka galmudug wasiirada ka socday ay soo jeediyeen qodobo ay ka mid yihiin in xabada la joojiyo in dhismaha suuqa Maxjarka Xoolaha la joojiyo, iyo Ciidamadana lakala qaado wixii kaloo wada hadal ahna xamar lagu wada hadlo.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed ayaa sheegay in Wasiiro ka kala Tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug in wada hadal ay ku yeelan doonaan magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, si loo xaliyo colaada kusoo laablaabatay Magaaladaas.
Balse Wasiirka Deegaanka Maamulka Puntland Mudane Cali Cabdulaahi Warsame oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in wada-hadal ay kula jiraan dowlad Goboleedka Galmudug si loo xaliyo dagaalada maalmihii dambe ka dhacayay Magaaladaas.

