Wararkii Ugu Dambeeyay Afgooye iyo Taliyihii Asluubta Degmadaas oo ku Dhintay Dagaalka

0

Xaalada Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa saakay degan kadib markii Ciidamada Dowladda Soomaliya, kuwa Amisom iyo Xarakada Al-shabaab ay ku dagaalameen Gudaha degmadaas.

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa  ayaa ku qarxay markii hore buundada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo ah goob u dhow saldhig Ciidamada Brundi ay ku leeyihiin degmadaas.

Qaraxa kadib waxaa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa Al-shabaab kaasi oo socday muddo saacadaha waxayna labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay in ay u suurta gashay in ay la wareegaan xarumo muhiim ah oo ay ka mid yihiin saldhiga booliska iyo xarunta maamulka degmada Afgooye oo ku yaala bartamaha degmadaas, suuqa Degmada Afgooye iyo goobo kale oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda Soomaliya.

Dagaalka waxaa kusoo biiray saacado kadib Ciidamada Amisom oo taageero siinayay Ciidamada Dowladda Soomaliya oo markii hore dagaal la galay Al-shabaab oo weerar kusoo qaaday degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Mas’uuliyiintii dagaalka ku dhintay waxaa kamid ahaa Gaashaanle Dhexe Axmed C/qaadir Gorod oo kamid ahaa Saraakiisha booliska Soomaliyeed, Maxamed Daahir Qooley oo ahaa Isku Duwihii Maaliyadda Gobolka Shabeelaha Hoose  ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya iyo Maxamuud aadan Saliiko oo ahaa Taliyihii Ciidamada Asluubta Degmada Afgooye  ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Howlgal ay si wadajir ay u sameynayaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom ayaa haatan ka socda Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here