Xidiga qadka Dhexe ee kooxda Real Madrid iyo Xulka dalka Croatia Luka Modric ayaa heshiis cusub u saxiixay kooxdiisa kaasi oo dhici doona xili ciyaareedka 2020-ka.
Laacibka xulka dalka Croatia ayaa heshiiska uu kula jiro kooxdiisa waxa uu dhici lahaa sanadka 2018-ka balse waxaa lagu qanciyay in heshiis cusub uu U saxiixo kooxdiisa ka dhisan magaalada Madrid.
Modric ayaa kaga soo biiray kooxda difaacanaysa Champions League naadiga Totenham xili bishii August 2012 tan iyo markaas waxa uu noqday mid kamid ah xidigaha ugu muhiimsan Team-kaan.
31-jirkan ayaa kooxda Real Madrid kasoo Muuqday 180-kulan isagoo kula guuleystay 2- Champions League titles, 2-UEFA Supercups, FIFA Club World Cup, Copa del Rey iyo Supercopa de Espana muadii uu ku sugnaa.
Luka Modric ayaa xirfadiisa kubada Cagta kasoo bilaabay naadiga Dinamo Zagreb ee Horyaalka dalka Croatia sidoo kale waxa uu uso ciyaaray Zrinjski Mostar iyo Inter Zapresic si amaah ka hor inta uusan xili ciyaareedkii 2008-kii ku biirin naadiga Totenham.

