Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle waxaa maanta Gaaray Wafdi uu hogaaminayay Taliyaha Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM Ganaraal Cismaan Nuur Subagle.
Wafdigaan ayaa waxaa Magaalada Jowhar ee caasimada Maamulka Hir-shabeelle kusoo dhaweeyay Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Cusub ee Maamulka Hirshabelle Sheekh Cusmaan Barre iyo Mas’uuliyiin kale.
Labada dhinac ayaa kawada hadlay halka ay mareyso doorashada Maamulka Hirshabelle iyo sidoo kale adkeynta amaanka inta ay socdaan doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hirshabelle, Taliye Cismaan Nuur Subagle ayaa sidoo kale kormeer ku tagay goobaha ay ciidamada Amisom ay kaga sugan yihiin Magaalada jowhar.





