Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cumar C/rashiid oo Maanta Gaaraya Magaalada Gaalkacyo

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke ayaa maanta lagu wadaa in uu Gaaro Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo ah Magaalo ay maalmihii dambe  kuwada dagaalamayeen  Ciidamo kala taabacsan taabacsan Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Madaxtooyada  Maaulka  Puntland ayaa idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyay  in ay socoto qaban-qaabada uu Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke uu ugu amba-baxayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa shalay lagu waday in uu gaaro Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug balse waxa uu ugu baaqday arrimo la xiriira loolankiisa kurisga aqalka  sare oo shalay maamulka Puntland uu ku dhawaaqay.

Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke ayay Dowladda Soomaliya u wakiilatay in uu xaliyo Colaada u dhaxeeysa Maamulada Puntland iyo Galmudug maalmihii aynu soo dhaafnay kulamo waxa uu la qaatay Madaxweynayaasha Maamuladaas isagoo kala hadlay sida loo xalin karo Colaada Gaalkacyo.

Dhanka kale Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka Amniga dawlad Goboleedka  Galmudug Mudane Cismaan Ciise nuur Taardhuleed ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo maalmihii dambe ay kuwada dagaalameen Ciidamo kala taabacsan maamulada Galmudug iyo Puntland.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here