Puntland:-“Ciidamo ka Tirsan Dowladda oo Loo Adeegsan Rabay Dagaalka Ayaa Isasa Soo Dhiibay”,+Sawirro

0

Maamulka Puntland ayaa Maanta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka mudug kusoo bandhigay Ciidamo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen kuwa Xoogga dalka soomaliyeed oo ciidamada Galmudug ku gacan siinayay dagaalka Magaaladaas maalmihii dambe ka dhacayay.

Wasiirka deegaanka  Maamulka Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo shir jaraa’id wariyayaasha ugu qabtay Magaalada  Gaalkacyo ee Gobolka Mudug  ayaa sheegay askartaan inay iyaga gacantooda isugusoo dhiibeen Maamulka, kadib markii ay arkeen in loo adeegsan rabo dagaalka loogasoo horjeedo Puntland iyo shacabkeeda waa siduu hadalka u dhigee.

Sidoo kale Wasiirka deegaanku Maamulka Puntlland  wuxuu sheegay inay hayaan cadeyn rasmi ah oo sheegaya in dowladda federalku shan gaari oo ah nuuca dagaalka ay uga qeyb qaateen dagaalka  u dhexeeya Puntland iyo Galmudug ee ka Gaalkacyo ka socday maalmahaan aynu soo dhaafnay.

Dowlada dhexe ee Soomaliya oo ka jawaabtay eedeenta Maamulka Puntland ayaa meesha ka saartay warar ku aadan in Ciidamo ka Tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaliya oo ku sugan Gobolada dhexe in ay ka qaateen dagaalada maalmihii dambe ka dhacayay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

2-7 3-7 4-7

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here