Dagaal u Dhaxeeya Al-shabaab iyo Dad Shacab ah oo Goordhaweyd ka Bilowday Deegaanka Ceel-cali

0

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya dadka deegaanka Ceel-cali ee Gobolka Hiiraan  iyo Ciidamada Xarakada Al-shabaab  oo shalay halkaas la wareegay ayaa goordhaweyd ka bilowday deegaankaas.

Dagaal ayaa yimid kadib markii dadka deegaanka Ceel-cali ee Gobolka Hiiraan ay ka xumaadeen sida Ciidamada Al-shabaab ay ula dhaqmaan dad si weyn loogu yaaqay deegaankaas iyagoo gowracay ilaa afar ruux oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Dadka Shabaabka ay gowraceen  ayaa magacyadooda waxa ay kala yihiin Abwaan Xaaji Cabdi Wahaab Buurfuule, Maxamed Xaayow Aadan, Nabadoon Biriq iyo ruux kale o Afaraad oo weli aynaan helin magaciisa.

Rasaas xoogan ayaa laga maqlayaa gudaha deegaanka Ceel-cali ee Gobolka Hiiraan   oo ay isweedaarsanayaan dadka deegaanka iyo Ciidamada Xarakada Al-shabaab oo shalay deegaanka la wareegay.

Wixii kusoo kordha kala Soco Simbanews.com insha alaah

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here