Dagaal u Dhaxeeya Ciidamada Nabad Sugida Galmudug iyo Ahlusuna oo Ka Socda Deegaanka Godin-labe

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Godin-labe ee Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in halkaas uu haatan ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Nabad Sugida Galmudug iyo kuwa Ahlusuna Waljameeca.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Nabad Sugida Galmudug ay weerar ku qaadeen kooxo isbaarooyin dhigtay deegaanka Godin-labe ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka soomaliya, ciidamada Galmudug ayaa waxaa u suurta gashay in ay la wareegaan goobihii ay ku sugnaayeen kooxo maleeshiyaadka ah.

Muddo kadib ayaa waxaa deegaanka weerar ku qaaday Ciidamadii Maaleeshiyaadka ahaa oo taageero ka helaya Ciidamada Maamulka Ahlusuna waljameeca ee Gobolada dhexe oo ku sugnaa meel aan sidaas ugu fogeyn deegaanka Godin-labe ee Gobolka Galgaduud.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga qasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda deegaanka Godin-labe ee Gobolka Galgaduud.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here