AMISOM ayaa sheegtay in ay wado qoshe magdhow lagu siinayo dadkii ku wax yeeloobay hawgalada Ciidamada AMISOM ay kawadaan gudaha Somalia.
War kasoo baxay hawgalka AMISOM ayaa lagu sheegay la lawado hanaan lagu siinayo magdhow dadkii shacabka ahaa ee ay waxyeelado kasoo gaartay hawgalka ka socda gudaha Somalia.
Magdhowga la qorshaynayo in lasiiyo dadka rayid ah ee ay waxleeyadu kasoo gaartay hawgalka Ciidamada AMISOM ayaa waxaa la sheegay in ay ku jirto mid aan sharci ahaan loogu lahaan balse niyada loogu dhisayo dadka dhibaatadu ay soo gaartay.
Qorshahaan ayaa la sheegay in la dhamaystiri doono 3-da bilood ee soo socto,waxaana lagu wadaa in qorshahaan loo gudbiyo Ururka midowga Africa si ay u ansixiyaan.
Arintaan ku aadan magdhowga lasiinayo dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay hawgalka ay ciidamada AMISOM kawadaan Somalia ayaa lasheegay in uu yahay kii ugu horeeyay oo nuuciisa ah oo Africa laga smeeyo.
Ciidamada Midowga ee soomaliya ku sugan ayaa waxyeelo kala duwan gaarsiiyay shacab soomaliyeed iyadoo ay taliska ay marar badan ku celceliyeen in wax laga qaban doono arrimaha dhiibootinka.

