Madaxweynaha Maamulka Puntland oo soo dhaweeyay Doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland

0

Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed ayaa aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku soo dhaweeyey gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo si dimuqraadiyad ah ugu guulaystay doorashada .

Madaxweynaha ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in doorashadii maanta ee Baaralamaanka ay u dhacdo si cad oo muuqata , islamarkaana ay tahay guul iyo horumar ay gaareen shacabka Puntland.

” Umadda Puntland meelkasta oo ay joogaan waxaa ay kaa rajeynayaan dadaal ,ka shaqeynta horumarka iyo midnimada Puntland, Golaha wakiilada waxaa ay ka rejyn in shaqadii loo idmaday sidii ay aheyd u gutaan ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas .

” Sidoo kale waxaan u hambalyeyn xildhibaanadii kale ee tartamay , xilkasnimo ayey muujiyeen , guushana dabcan mar hadii la tartamo qof ayaa ku guulaysta , xildhibaanadana waxaan u rajeyn kheyr ” Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u mahadceliyey gudoomiyihii hore ee Golaha wakiilada Puntland Siciid Xassan Shire , oo uu ku amaanay dadaalki shaqo ee uu soo qabtay mudadii uu xilka hayey.

” Doorashadii maanta ka dhacday Baarlamaanka waxaa ay muujinaysaa dimuqrasiyadda gaamurtay ee ay Puntland ku talaabsatay , bisaylka siyaasadeed ee ay gaareen sidoo kale shacabku ” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

IMG_6545 (1) IMG_6521 IMG_6510 IMG_6508 IMG_6545

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here