Ehelada Sarkaal ka tirsanaa Wasaarada Cadaalada Soomaaliya oo Xalay lagu Dilay Degmada Waabari ee Gobalka Banaadir ayaa Dalbaday Dowlada Soomaaliya ay gacanta ku soo Dhigto Kooxhi ka danbeeyey Dilkaasi.
Allah Unaxariisteen Muraxuun Maxamed Axmed oo ahaa Sarkaal Horey ula soo Shaqeeyey Hadana Xisaabiye ka ahaa Wasarada Cadaalada Soomaaliya ayaa ayaa Kooxo Hubaysan wax ay toogteen Xili oo ka soo baxay Masaajid ku yaala Degmada Waabari Sidi ay Idaacada Simba ay u Xaqiijiyeen.
C/raxmaan Sheekh Cabdulle (Maryo Cadde) oo ka Mid ah Ehelada Marxuun Maxamed Axmed oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Dowlada Soomaaliya ka ugu baaqay inay soo Qabato oo Cadaalada ay horkeento Ragii Dilkaasi ka danbeeyey.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay Dilalka loo geysanayo Shaqaalaha Dowlada waxaan inta badan dhacaday in aan laamaha Amaanka Dalka aysan gacanta ku soo Dhigin Gacan ku dhiiglayaasha wax Dila.

