Wararka haatan naga soo gaaraya Gudaha degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in Mas’uul ka Tirsanaa Wasaaraddda Cadaaladda Dowlada Soomaliya in lagu dilay Degmadaas.
Marxuum Maxamed Axmed Qoordheere oo ahaa Xisaabiyaha Idman ee Wasaaradda Cadaaladda Dowladda Soomaliya ayaa la sheegay iney rasaas ooda kaga qaadeen rag bastoolado ku hubeysnaa xili galabta uu ka soo baxayey masjid ku yaalla degmada Waaberi oo uu ku soo tukaday salaadii Casir.
Ragii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday Marxuum Maxamed Axmed Qoordheere ayaa markii hore waxaa soo gaaray dhaawac culus waxaana loola cararay isbitaalka Daaru Shifa oo markii dambe uu ku dhintay.
Dilka Kadib waxaa goobta soo gaaray Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa howlgal ka sameeyay goobta uu dilka dhacay ilaa haatan lama ogo cida losoo soo qabtay ku lug lahaanshaha dilka Marxuum Maxamed Axmed Qoordheere.

