Mas’uuliyiin ka Tirsan Mareykanka oo ku Sugan Cadaado iyo Kulamo Ka Socda Madaxtooyada Galmudug

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Caadaado ee Caasimada Kmg-ga Galmudug ayaa ku waramaya in Saraakiil ka Tirsan Mareykanka Qeybta Qaarada Afrika  in ay haatan ku sugan Yihiin magaaladaas iyagoona kulamo la qaaadanaya Mas’uuliyiinta ugu sareysa Maamul Goboleedka Galmudug.

Dowlada Mareykanka ayaa aad kaga Walaacsan duqeyn ay ku laayeen ciidan ka tirsan kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug iyo sidoo kale dad shacab ahaa, taasi oo naxdin iyo qaracan u keentay Dowlada Mareykanka.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo maalmihii dambe ku sugnaa dalka Uganda ayaa Galabta dib ugu laabtay magaaladaa Cadaado haatan xarunta madaxtooyada Maamulkaas waxaa ka socda kulan u dhaxeeya Mas’uuliyiinta Galmudug iyo kuwa Mareykanka oo kawada hadlaya Duqeynta lagu laayay askarta Galmudug.

Dhanka kale Iskuduwaha wasaaradda warfaafinta Puntland Cabdinaasir Badal Qalaf oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Degaanka Jeexdin ay ku dileen Dagaalameyaal aad u badan islamarkaan Howlgalkaas ay iska kaashadeen Ciidamada Puntland iyo kuwa Mareykan ah.Waxayna Taas Dhaqan jab weyn ku Noqatay Dowaldda Mareykanka waxaana hada Mareykanku uu aad Uga walaacsan yahay Werarkii Xalay Ka Dhacay Duleedka Gaalkacyo.

Inta la xaqiijiyay 22-askari oo ka Tirsanaa Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa ku dhintay kadib markii diyaarado laga leeyahay Mareykanka ay duqeeyeen xili ay marayeen deegaanka jeexdin ee duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug isla maanta ayaa lagu aasay duleedka Magaaladaas.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here