Booliska Kenya oo Sheegay in ay Dileen Nin Horay Madixiisa Loo Dul Dhigay Lacag Malaayiin ah

0

Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in ay ku dileen magaalada Mombasa ee dalkaas, Ismael Shosi kaasi oo loo doon doonayay tuhun waxa loogu yeero Argagisada.

Shosi, oo horay loogu eedeeyay ku lug lalahaasho weeraro ka dhacay dalka Kenya ayaa waxaa madaxiisa la duldhigay Sh2 million,boolisa ayaa waxaa ay intaas ku dareen kahor intii aysan dilin ninkaan uu iska hor imaad dhexmaray asaga iyo booliska kadib markii ay weerar ku qaadeen guri uu ka deganaa xaafada Mwandoni ee magaalada Mombasa.

Taliyaha booliska Kisauni Richard Ngatia ayaa sheegay in boolisku ay ka heleen  gurigiisa rasaas iyo waxyaalo kale,gurigaas oo la tilmaamay in Shosi uu soo degay maalintii Axadii ee usbuucaan.

Sida boolisku ay sheegeen Ismael Shosi  ayaa waxaa uu xiriir la lahaa Fazul, oo ka tirsanaa Al Qaeda  kaas oo dilay sanadkii 2011,
sirdoonka dalka Kenya ayaa xusay in Ismael in tababar la qaatay Al shabaab islamarkaana uu ahaa qabiir dhinaca qaraxyada ku taqasusay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here