Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo ka tirsan Baarlamaanka Waqtigiisu uu idlaaday ee Dowlada Federaalka Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Faah-faahin ka Bixiyey Caqabadaha Hortaagan Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo Dib u Dhaca Markale ku yimid Doorashooyinka Dadban Dalka.
Mudane Goodax Barre ayaa Sheegay in Magaalada Beled-weyne ee Gobolka Hiiraan uu ka socdo Shirka Maamul Gobaleed loogu Sameynayo Gobalka Hiraan kaasi Amba qaadkiisa ay wadaan Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka Gobalkaas isla markaan Marnaba ka Qeyb gali doonin Shirka Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Xildhibaan ayaa Wax uu Tilmaamay in Dowlada Soomaaliya Musuq-maasuq iyo Cadaalada Daro ku maamushay Shirka Jowhar taas oo sababtay Beelaha Gobalka Hiiraan ay Go’aansadaan inay aayahooda ka tashadaan ayna bilaabeen Qorshada Maamul Gobaleed u gaar ah loogu dhisayo Gobalka Hiiraan oo Hada laga Doodayo Dastuurka iyo Calanka uu yeelanayo Maamulkaasi.
Dhinaca kale Xildhibaan C/laahi Goodax Barre ayaa daah ka qaaday Sababaha Keenay Dib u dhaca Markale ku yimid Doorashooyinka Dadban Dhamaadka sanadkaan Qorshuhu yahay inay Soomaaliya ka Qab soonto.
Xildhibaan C/laahi ayaa Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud Ku Eedeeyey in uu Afduubtay Awoodii Hay’adaha kala Duwan ee Dowlada Waqtigeedu Dhamaaday Sida Hay’adaha Amaanka,Warfaafinta iyo Cadaalada oo uu u Adeegsanayo Arrimaha ola-olasiisa Tartanka Doorashada isagoona Arintaa ku micneeyey inay tahay Siyaasad Gurucan oo la doonayo in Meesha looga saaro Musharaxiinta kale ee u taagan Xilka Madaxtimo dalka taasi oo uu Door muuqda uu ka ciyaarayo Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee sanadka 2016-ka Abuukaate Cumar Dhagay .

