Saraakiil ka Tirsanaa Xarakada Al-shabaab oo Lagu Dilay Duqeyn ka Dhacday Gobolka Jubbada Hoose

0

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn ay diyaaradaheeda  ay ka fuliyeen tuulada Gaanjo-roon oo hoos tagta deegaanka Beerxaano ee Gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka soomliya in lagu dilay 4-xubin oo ka Tirsan Xarakada Al-shabaab.

Weerarkan oo dhacay habeenkii isniinta ay soo galaysay ayaa mareykanka uu sheegay in lagu dilay Bashiir Dheere oo ahaan jiray taliye ku xigeenka Xarakada Al-Shabab ee Gobolka Jubada Hoose iyo saddex sarkaal oo kale xilli ay ku sugnaayeen banaanka deegaanka Gaanja-roon oo hoos tagta deegaanka Beerxaano ee Gobolka Jubbada Hoose.

Bayaan laga soo saaray Xafiiska taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in afartan sarkaal lagu dilay weerar isdifaacid ahaa oo dhinaca cirka ah, kadib marki ay  Xarakada Al Shabab weerar ku qaadeen ciidamada Soomaaliya  iyo la Taliyayaal Mareykan ah oo ku sugnaa duleedka magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

Dhanka kale Janaraal Cali Baashi Maxamed Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo shalay war kooban soo saaray  ayaa sheegay in Ciidamda Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab Howlgal ay fuliyeen  ay ku qaarijiyeen sided ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana ay nolosha ku soo qabteen tiro kale oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab dhawaana lasoo bandhigi doono.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here