Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah u Mamnuucay jiritaanka suuqa lagu sameeyo dukumintiyada been abuurka ah ee loo yaqaanno Cabdalla Shideeye oo ku yaala Gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Ku xigeenka dhinaca Siyaasadda iyo Amniga Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo maanta shir Jaraaid ku qabtay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in si rasmi ah loo mamnuucay Suuqa loo yaqaano Cabdalla Shideeye oo lagu sameeyo dukumintiyada been abuurka ah isagoo digniino u jeediyay shaqsiyaadka ku howlan sameynta waxyaabaha been abuurka ah.
Dhanka kale Afhayeenka Maaamulka Gobolka Banaadir Mudane C/fitaax Cumar Axmed Xalane ayaa tilmaamay in hay’adaha ammaanka ay il gaar ah ku hayn doonaan Dadka ku howlan saameynta dukumintiyada been abuurka ah oo ka shaqeeya suuqa Cabdala Shideeye, islamarkaana tallaabo adag laga qaadi doono ciddii lagu qabto arrintaasi.

