Faah-faahin:-Ciidamadii La Wareegay Xarunta Bankiga ee Magaalada Garoowe oo Isaga Baxay

0

Ciidamada Sirdoonka Puntland ee PIA (Puntland Intelligence Agency) oo ka cabanaya mushaaraad la’aan muddo toddobo bilood ah,oo si rasmi ah shalay  ula wareegay gacan ku haynta Xarunta Bankiga ee Magaalada Garoowe ayaa saqdii dhexe ee xalay iskaga baxay Xaruntas.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Mas’uuliyiin ka Tirsan  Maamulka Puntland in ay ku wargliyeen Ciidamada Sirdoonka Puntland ee PIA (Puntland Intelligence Agency) in ay isaga baxaan Xarunta islamarkaana la xalin doono Mushaar la’aanta ay ka cabanayaan.

Ilaa hataan ma jiro Wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Puntland ay ugu hadlayaan arrintaan ka dhacday Magalada Garoowe  ee caasimada Puntland, waxaana xusid mudan in deeganada Maamulka Puntland uu ka arimiyo in lacago  Canshuur xad dhaaf ah  laga qaado dadka shacab ah oo ilaa iminka aan la ogeyn halka lagu bixiyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here