Odawaa:- “Shiikh Axmed Shaakir iyo kooxdiisa joogta Dhuuso Mareeb Xayiraada Haka Qaadaan Odayaasha”,

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo haatan ku sugan magaalada Cadaado ee Caasimada Kumeel gaarka ee Maamulka Galmudug ayaa ugu digay  maamulka Gobolka Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca is hor istaag ay ku hayaan Odayaal iyo waxgaradka ka qaybgalaya soo Xulista Xubnaha Gobolada Dhexe u matalaya Baarlamaanka dalka uu yeelanayo.

“Shiikh Axmed Shaakir iyo kooxdiisa joogta Magaalada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud, Galmudug ayaa idinka badan ayaan leenahay marnaba ma hor istaagi kartaan  Odoyaasha, iyo Waxgaradka ka qaybgalaya soo Xulista Xubnaha Gobolada Dhexe u matalaya baarlamaanka dalka uu yeelanayo, marnaba Ahlusuna kama hor istaagi karaan dadka Gobolada dhexe rabitaankooda”, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Odawaa.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa ugu baaqay maamulka Ahlusuna Waljameeca in ay joojiyaan is hor istaag ay ku hayaan Caasimada Maamulka Galmudug islamarkaana ay Dhuuso Mareeb tahay Caasimada rasmiga ee Maamulka Galmudug dhaawana loo guuri doono.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here