Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Maxamed Faraweyne oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay Puntland iyo sahcabkeeda inay la xisaabtamayaan Mas’uuliyiintii Puntland ugu jirey dowlada waqtigeeda uu dhamaaday islamarkaana aan dib loosoo dooran doonin.
Gudoomiye Cumar Faraweyne ayaa Tilmaamay inay magaalada Garowe ay haatan ku sugan yhiin Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowlada Soomaliya oo isugu jire wasiiro, iyo Xildhibaano islamarkaana ay Puntland ay ka faaidey lugooyo iyo inay gacanta ku hayeen seeftii lagula dagalamayay horumarka Puntland.
“Adeerayaal maanta waa lala xisaabtamayaa. Maanta ma ahan waagii Xamar kursiga laga qaadan jiray. cid walba oo Puntland dhibaato ugeysatay indhaha ayaa lagu hayaa waana lala xisaabtamayaa, sidoo kalena waxaan soo bandhigaynaa nin walba wuxuu afkiisa ka yiri oo duuban, hamoodinina in la idin ilaabay,” ayuu yiri Cumar Faraweyne.

