Dowladda Kenya oo Lacago Dhul Dhigtay Nin Loogu Shakisan Yahay in uu Weeraro Argagixiso Ka Geystay Dalkaas

0

Dawlada Kenya ayaa dul dhigtay lacag gaaraysa  $20,000 nin ay sheegtay in looga shakisan yahay weeraro Argagixiso oo ka dhacay dalka Kenya.

Dawlada Kenya ayaa sheegtay in lasiin doono lacag gaaraysa $20,000 cidii keenta wax xog ah oo horseedi karta in lasoo xiro nin la baadi goobayo  oo qorsheeyay weerar Agagixiso ay ku sheegtay dalwada Kenya oo ka dhacay magaalada Lamu.

Wasaarada Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya ayaa sheegtay Ramadhan Kioko in la aaminsanyahay in uu ka dambeeyay weerar argagixiso ay ku tilmaantay oo ka dhacay degmada Lamu halkaas oo ugu yaraan lagu dhaawacay  ciidamada xooga dalka Kenya weerar qarax ahaa oo lala bartilmaameedsaday Ciidamada Kenya Bishii  July 26.

Wasaarada arrimaha arrimaha Gudha dawlada Kenya ayaa sheegtay in Ramadhan Kioko loo doonayo in uu xiriir la leeyahay weerarkaas waxaana laga dalbaday in cidkasta oo xog ka haysa ay lasoo xiriirto wasaaradda

Wasaarada Arrimaha Gudaha  ayaa sidoo kale waxa ay soo bandhigtay sawirada ninkaan oo ay sheegtay in uu ka dambeeyay weerarka lagu qaaday ciidamada Kenya xili ay marayeen deegaanka Ishakani oo ku yaala bariga degmada Lamu.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here