Dhageyso:- Dib u Dhac ku Yimid Waqtigii Loo Qorsheeyay ku Dhawaaqista Xubnaha Aqalka Sare ee Dalka

0

Maanta oo ay taariikhdu tahay 25-ka September ayaa ku beegan waqtigii gudiga doorashooyinka dadban ee dalka ay sheegeen in ay ku dhawaaqayaan xubnaha aqalka sare ee dalka inkastoo la sheegayo in dib u dhac uu ku yimid ku dhawaaqistooda.

Idaacadda Simba oo u xuuraansatay waxyaabaha dib u dhaca ku keenay ku dhawaaqista xubnaha aqalka sare ee dalka ayaa wararka soo ifbaxaya waxa ay sheegayaan in ay sabab u tahay qodobo ay kamid yihiin

1-Arimaha dhaqaalaha ee la doonayo in lagu fuliyo howlasha soo uruurinta xubnaha aqalka sare.

2-Maamul goboleedyada dalka oo aanan soo gudbin ilaa iyo iminka xubnaha waxaana la sheegayaa in uu jiro is qab-qabsi dhanka beelaha maamul goboleedyada ah.

3-Xubnihii heerka federaal ahaa ee loo magacaabay la socodka xulista xubnaha aqalka sare oo ay sameynayaan maamul goboleedyada ku dhisan heerka federaal oo la sheegayo in ay caqabado ku noqdeen odoyaasha wax soo xulayo.

4-Maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo aanan wali go’aan laga gaarin sida loogu qeybinayo xubnah aqalka sare ee kusoo aaday iyo cida loogu dhiibayo maadaama aysan laheyn maamul goboleed.

Abuukaato Cumar Maxamuud Cabdulle (Dhageey) oo war-fidiyeenka kula hadlay Muqdisho dabayaaqadkii bishii tagtay ayaa sheegay in jadwalka doorashooyinka dalka aysan jiri doonin dib udhac ku yimaado waqtigooda.

Jadwalkii doorashada ee horay loo soo gudbiyay ayaa sidan u qornaa:-

Jadwalka Doorashada:

Aqalka sare 25 September

Baarlamaanka 24 September – 10 October

Dhaarinta Xildhibaannada 20 October

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka 25 October

Doorashada Madaxweynahan 30 October

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here