Nin Madaxa Looga Jirey oo Wiil uu Dhalay ku Dilay Deegaanka Waxar Cadde oo ka Tirsan Degmada Heliwaa

0

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Waxar Cadde oo ka tirsan Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, ayaa ku waramaya in nin madaxa looga jirey uu deegaankaas ka geystay fal dil  iyo dhaawac isugu jira.

Ninka Madaxa looga jirey oo adeegsaday baangad ayaa  dilay Wiil uu dhalay, isaga oo sidoo kale dhaawacay Hooyadiis iyo Aabihiis oo waayeelo ah, oo xiligaas ku sugnaa hoyga ay ka dagnaayeen deegaanka Waxar Cadde oo ka tirsan Degmada Heliwaa.

Dadka Deegaanka Waxar Cadde oo ka tirsan Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa warbaahinta u  sheegay inay arkeen ninkaan oo sita Baangad, sidoo kalena gacmihiisa ay ku yaaleen dhiig fara badan.

Maamulka Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan Booliska Gobolka Banadir oo goobta gaaray  ayaa ku Guuleystay in ay gacanta ku dhigaan ninkaaan falka naxdinta leh geytay.

Ciidamada Booliska Soomaliyeed ayaa la sheegay inta aysan gacanta ku dhigin ninkaan falka Naxdinta leh geystay  ay ku rideen rasaas, taasi oo keentay inuu dhaawacmo, kadibna waxa ay ka qaadeen baangadii uu watay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here