Maxkamad Sare ee Dalka Gabon oo Sheegtay in Madaxweyne Cali  Bongo uu Yahay Madaxwenaha Sharciga ah

0

Maxkamada Dastuuriga ah ee dalka Gabon ayaa ayiday Doorashada madaxweyne Cali Bongo markale dib loogusoo doortay in uu ku guulaystay.

Waxaana ay dhanka kale diiday dacwada ay mucaaradku wateen taasoo aheed in dib loo tiriyo codadkii la dhiibtay iyo in uu jiray musuq maasuq baahsan oo dhacay inta doorashadu socotay.

Go’aanka maxkamada ayaa soo baxay ayadoo dalkaas ay horay uga dhaceen dibadbaxyo rabshado wata oo kadhacay magaalada Caasimada ah ee Libreville,iyo meelo kale.

Maxamada ayaa sidoo kale waxa ay meesha ka saartay codadkii laga dhiibtay 21 xarumood oo laga sameeyay caasimada Libreville,kuwaas oo maxkamadu ay sheegaty in wax isdabamarin ay ka jirtay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here