Soomaliya oo Dowlada Kenya ku Eedeysay in ay Wali Kawado Halka Lagu Muran Sanyahay Sahminta Saliida

0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegeysa in ay wali wado dowlada Kenya sahminta saliida gaar ahaan halka lagu muran sanyahay ee badweynta Hindia oo dacwad arimahaasi ku saabsan laga furay  dhawaan Maxkamada Caalamiga ah ICJ oo soo dhamaatay maalinimadii shalay aheyd.

La taliyaha dowlada soomaaliya ee u qaabilsan Arrimaha muranka badda Mona Al-sharmani ayaa maxkamada ka sheegtay maalinimadii jimcada aheyd  in Wasaarada Tamarta iyo Arrimaha  Saliida ee Kenya  in ay iskooda u soo saareen is jiid jiid ku aadan qaabka ay u socoto maxkamada iyo baaritaano ay ka sameeyeen xuduuda Soomaaliya ay la wadaagto Kenya oo ah meel qani ku ah saliida oo wali halkaasi ay dhac iyo boob kawadaan.

“Waa war ka socda Soomaaliya waxaan marnaba suura gal aheyn muranka badda ee soomaaliya in laga dhigo kiis aan wax ka jirin” Mona  al Sharma ayaa sidaasi sheegtay mar  ay  maxkamada shir gudoominayay xeer ilaaliyaha France Judge Ronny Abraham.

Dowladaha Kenya iyo Soomaliya ayaa ku muransan  bad cabbirkeedu yahay, 42,000km2, waxaa la sheegay iney tahay meel uu ka buuxo Kheyraad fara badan, iyadoo intii uu murankan soo jiitamayayna ay Dowladda Kenya geysay shirkado baara saliidda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here