Faah-faahin:-iska Hor imaad Xalay ka Dhacay Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

0

Inta la xaqiijiyay 2-askari oo ka Tirsanaa Ciidamada Dowlada Soomaliya ayaa ku dhimatay kadib iska hor imaad labo Ciidan ku dhexmray Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Iska horimaadkan oo ka dhacay xaafadda Kulmis, ayaa wuxuu ka dhashay kala shaki soo kala dhex galay Ciidamada Dowladda. Ciidan ku raad joogay dadka ka ganacsada waxyaabaha maanka-dooriya iyo laba askari oo ku sugneyd xaafadaasi, ayuu iska horimaadku u dhaxeeyay.

Mid kamid ah askarta iska hor imaadka ku dhimatay ayaa la sheegay In uu ka Tirsanaa Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed qeybta Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay kaga hadlayaan dhacdaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here