Dhageyso:- Ra’isul Wasaare Cumar “ Majirto Heshiis aan La Galay Dowlada Kenya”

0

Cumar C/rashiid Cali Sharmarke Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya  ayaa sheegay in arinta badda dano siyaasadeed laga leyahay waxa uuna beeniyay in heshiis uu lagalay dowlada Kenya. Hadalkan waxa uu manta ka jediyay magalada Garowe.

Ra’isul wasaaraha xukumada soomaaliya oo maanta saxaafadda shir jaraa’iid ugu qabtay magaalada Garowe ee xarunta maamulka puntladn ayaa waxa uu sheegay in Siyaasiin soomaaliyeed ay buunbuuninayaan xiligaan arimaha badda uu sheegay in bad soomaaliya laga dhacay aysan jirin.

Ra’isul wasaaraha ayaa waxa uu tilmaamay in xiligii uu mas’uul dowladeed ka aha dowladi kmg-ka aheyd uusan heshiis la gelin dowlada Kenya balse arimaha qaar waxa uu ku tilmaamay kuwo dano gara laga leyahay islamarkana dadka sumcadooda lagu dilayo.

Cumar c/rashiid ayaa kamid ah musharixiinta sanadkaan u tartameyso xilka madaxtinimo ee wadanka soomaaliya waxa uuna qeyb ka yahay musharixiinta isa soo sharaxday.

Madaxweynihi hore ee soomaaliya shiikh shariif shiikh axmed dowladi kmg-ka aheyd ee uu hogaaminayay waxaa lagu eedeeyaa in ay heshiis xaga soohdinta badda ay laga shay soomaaliya.

Halkaan ka dhageyso Shirka Jaraa’iid

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here