Dhageyso:- Xilibaan Dalxa “ Shirkaddo Shisheeye ayaa Kenya ku Qasbaya in Baddeena ay sheegato”

0

Xilibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah xilibaanada baarlamanka soomaaliya ayaa sheegay in muranka xaga badda ee u dhaxeeyo soomaaliya iyo Kenya uu yahay mid soo jeetamayay mudo dheer islamarkana kenay in Kenya ay muujiso in baddeena ay sheegato.

Xilibaan Dalxa oo Wareysi siiyay Idaacadda Simba ee magaalada muqdisho ayaa waxa uu tilmaamay in arinta Kenya ky qasbeyso in ay sheegato baddeena ay tahay dhaqaalo ay ka heleyso shirkaddo shisheeye islamarkana quudareynayo in ay baartaan baddeena.

Dalxa ayaa dhinac kale waxa uu sheegay in soomaaliya ay ku awood badnaandoonto Dacwada hada labada dal u dhaxeyso islamarkana hortala Maxkamada caalamiga ah ee ICJ  ee fadhigeedu yahay wadanka Holland.

Maxamed cumar dalxa ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in aysan haata Kenya awood u laheyn in ay soo bandhigto cadeymo muujin karo in qeybta badda ee hadda ay ku murmeyso in ay iyadu ledahay.

Halkaan ka Dhageyso wareyiga Xilibaanka

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here