Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Saakay Gaaray Magaalada Baydhabo

0

Waxaa  saakay magaalada baydhabo ee xarunta gobolka bay gaaray wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya Maxamed sheekh  cismaan jawaari iyadoona si diiran logu soo dhaweeyay magaalada baydhabo.

Gudoomiyaha baarlamaanka iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha shaati gaduud ku soo dhaweeyay mas’uuliyii ka tirsan maamulka koonfurgalbeed.

Jawaari ayaa kulamo la filayaa in magaalada uu kula qaato madaxweynaha maamulka koonfurgalbeed shariif xasan sheekh aadan.

Labada mas’uul ayaa lagu wada in ay kwada hadlaan arimo quseeyo halka uu marayo qorshaha lagu soo xulayo xilibaanada aqalka sare kamid noqonayo ee laga soo xulayo deeganada koonfurgalbeed iyo sidoo kale sare u qaadista howlaha doorasho ee xiligaan qaban qaabadeda laga dareemo deeganada koonfurgalbeed.

Wariyaha idaacada simba ee gobolka bay Faysal dhaayoow ayaa soo sheegaya in Gudoomiye jawaari weli soo dhaweyntiisa ay soconayo lana filayo in magaalada waqti koobaan oo aan la cayimin oo uu joogidoono.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here