Nabdoon Yuusuuf Warsame Shire oo ka kamid ah Waxgaradka Gobalka Galgaduud oo la hadlay Idaacad Simba ayaa Sheegay in uuu Meesha ka baxay Maamulkii Dagmada Caabudwaaq ka dib Markii ay kor-dheen Dilalka ku Salaysan Aanooyinka Qabiil ee Magaaladaan oo Dhacda Waqooyiga Gobalka Galgaduud.
Nabadoonka oo Sii hadlayey ayaa Tilmaamay hadii aan wax laga Qaban Dilalka ku soo badanaya Caabudwaaq ay Magaaladu qarka u saaran tahay inay martigaliso Dagaal Sokeeyo.
Waxaa gelinki danbe ee shaley duleedka degmada caabduwaaq lagu dilay labo nin oo u shaqeynayay Ha’yad miino baaris.
Dilalka aanooyinka qaiil ayaa maalmihi la soo dhaafay ku soo noq noqonayay degmada caabduwaaq waana degmo dadka ku nool ay wada hubeysan yihiin islamarkana meelaha bulshadu isugu timaado ay dadka la yimaadaan hubkooda taaso sii cakirin karto xaalka degmada caabudwaaq.
Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka

