Waxaa kooox hubeysan xaley ayaa xaafada Kooshin ee magaalada baladweyne ay ku dileen Ganacsade caan aha islamarkana si weyn logu garanayay Magaalada b/weyne iyo guud ahan gobolka Hiiraan.
Allahu naxariiste Marxuum Daahir Mahad alle ayaa waxaa xaley rag hubeysan xili uu ka soo baxay masaajid waxa ay ku dileen gudaha magaalada baladweyn iyadoona sidoo kale kooxda falka geysatay ay dhaawaceen wiil uu dhalay ganacsadaha la dilay.
Daahir Mahad alle ayaa kamid aha ganacsatada ugu fir fircoon magaalada baladweyne sida uu inoo xaqiijiyay weriyaheen C/qaadir nadaara oo inogu soo warama gobolka hiiraan.
Risaas qeybaha sare ee jirkiisa lagala dhacay Ganacsade Daahir ayaa keentay in uu ku dhinto isla goobta lagu risaaseeyay.
Magaca wiilka dhaawaca oo aan helin ayaa dhinaca kale waxaa dhaawaca la gaarsiiyay wiilka uu dhalay ganacsadaha la dilay ibitaalka magaalada b/weyne ee gobolka Hiiraan.
Agaasimaha isbitalka magaalada b/weyne Axmed maxamed khaliif ayaa idaacada simba u sheegay in dhaawaca wiilka ay la tacaalayaan islamarkana iminka dhaqaatiirta ay ku mashquulsan yihiin baxnaanada dhawaca wiilka uu dhalay ganacsade daahir oo xaley lagu dilay xaafada kooshin ee magaalada b/weyne.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka ganacsadaha la dilay balse waxa jiro warar sheegaya in daahir uu kamid ah ganacsatada dadka ku wacyi-geliso sida ay nabadda ugu shaqey

