Madaxweynaha Soomaliya oo Beeniyay In Dowladiisa ay Is hor Istaagayso Olalaha Musharixiinta

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxba kama jiraan iyo dacaayad ku tilmaamay wararka sheegaya in dowladiisa ay ishor istaagayso Olalaha Musharixiinta Madaxtinimo ee Soomaliya ay sameynayaan.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Soomaliya aysan xiligaan diyaar u aheyn in ay hor istaagto Ololaha Musharixiinta iyo barnaamijyadooda siyaasadeed wuxuuna sidoo kale tilmaamay in  aysan jirin Ciidamo lagu amray In ay hor istaagaan barnaamijyada ay qabsadaan Musharixiinta

“Musharixiinta xuquuqdooda waxaa ka mid ah inay si nabad ah u qabtaan ololahooda iyo barnaamijyadooda siyaasadeed ee doorashada. Dimoqraadiyadda iyo xorriyatul qowlka mas’uuliyadda ku saleysan ayaa ma faraya in musharixiinta ay noqdaan kuwo si hufan, waddaniyad leh u soo bandhigaan barnaamijyadooda siyaasadeed iyagoo qiimeynaya duruufaha dalku ku jiro iyo baahida loo qabo dar-dargelinta dib u heshiisiinta iyo dib u soo celinta kalsoonida shacabka ka dhexeysa’’.

Qaar kamid ah Mushariixiinta u taagan Qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaliya doorashada Soomaliya ka dhacaysan sanadkaan 2016-ka ayaa ku eedeyay Dowlada waqtigeeda uu dhaamaday uu Hogaamiyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud in ay is hor istaagaysa Olalahooda doorashada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here