Faah-faahin:- 29 Qof oo Dhimatay Kadib Markii Dooni ay kula Degtay Badda Mediterranean-ka

0

Dooni siday 600 oo Tahriibayaal ah kuna wajahneed Wadamada qaarada Europe ayaa ku dagtay badda madaterianka taasoo  u dhaweyd Magaalada Alexdanderia ee dalka Masar inta la xaqiijiyay   29 qofood ayaa ku dhimatay.

Saraakiisha ayaa sheegaya in dad badan laga soo saarayo biyaha hoostooda iyadoo  oo inta badan dadkii saarnaa doonida ay u badnaayeen tahriibayaal ka kala yimid dalalka qaarada  Africa.

Waxaana wararka laga helayo doontaasi degtay ku waramayaan in 155 qofood laga soo badbaadiyay iyo in kuwa kale wali laga baadi goobayo.

Shaqaalaha wax bad baadinaya ayaa sheegay in 18 rag ah iyo 10 haween ah iyo hal cunug in ay dhinteen markii ay doonta dagtay.

Waxaana loo maleynayaa in doonta ay siday dad ka kala socday dalalka Masar, Siiraya iyo tahriibayaal ka socday qaarada Africa oo soomaaliya ay ku jirto kuwaas oo ku siijeeday dalka talyaaniga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here