Banaanbax Loogu Soo Horjeedo Xad-gudubka Kenya ay ku Dooneyso iney ku Qaadato Badda oo ka Dhacay Muqdisho+Sawirro

0

Banaanbax uu soo qaban-qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir islamarkaana loogu soo horjeeday xad-gudubka Kenya ay ku dooneyso iney ku qaadato qeyb kamid ah biyaha badda Soomaaliya, ayaa maanta lagu qabtay Taalada Daljirka Daahsoon degmada Boondheere ee  Magaalada Muqdisho.

Banaanbaxaan waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka Banaadir sida Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),  Gudoomiyaha Urur haweenka Gobolka Banaadir Jawaari Baar-qab, Boqolaal ruux oo ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir kuwaasi oo watay boorar ay ku qornaayeen ereyo ay kamid ahaayeen Gorgortan ka galimayno badeena iyo ereyo kale.

Ugu horeyntii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ana duqa Magaalada Muqdisho Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dadkii banaanbaxa kasoo qeyb galay ugu mahadceliyay sida ay ugu dhiidhinayaan in xoog lagu qaato qeyb kamid ah biyaha badda Soomaliya, isagoo shacabka soomaliyeed ugu baaqay in aysan marnaba aqbalin in la qaato qeyb kamid ah badda soomaliya.

1474448490aadd8 1474448492f9e01 1474448508fe152 14744484943d210 14744485006fe80-1 14744485006fe80 14744485107df8d 147444849893e46 147444850627e30 14744485025240c 147444849650234 147444851383729

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here