Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ICJ ee fadhigeedu yahay dalka Netherland ayaa maalinta labaad guda gali doonta Wareega Labaad ee Dacwadda dhinaca badda ee Soomaaliya iyo Kenya, ka dhaxeyso iyadoo Maanta ay Maxkamadda dhageysan doonto Gudiga matalaya difaaca dacwadda badda ee Kenya.
Afar qareen oo caalami ah ayaa maalintii shalay aheyd bixiyay Jawaabta Soomaaliye ee ku wajahan diidmada Kenya ay dooneyso in ay isku hortaagto in Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu ay gasho kiiska muranka soohdinta badeed ee Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeeya,Waxaa xusuus mudan in ay dacwadda badda ay marka hore Makxmadda u gudbisay Soomaaliya oo dalbtay in ay calaamadeyso soohdinta badda ee labada dal.
Dowladda Kenya diidmadeeda waxay u cuskaneysaa waxyaabo ay ka mid yihiin in aan labada dhinac weli si miisaan leh uga wadahadal wakhti ku filan in ay xal ku gaaraan, taas oo ah waxa ay ku heshiiyeen markii ay 7-dii April sanadkii 2009-kii ay Nairobi ku kala saxiixdeen Is-Afgarad.
Dowladda Soomaliya ayaa kiiska Dacwada Badda waxa ay u adeegsanaysaa Qareenno u kala dhashay dalalka Faransiis, Mareykan iyo Ingiriiska oo shalay Maxkamada kusoo bandhigay qodobo wax ku ool ah.
Galab 16:30 wakhtiga Magaalada Hague ee dalka Netherland ayaa waxaa billaabanaya wareegga labaad ee dhegeysiga diidmada Kenya. Waxaa diidmo afka ah mar kale soo jeedin doona ergada Kenya.

