Dowladda Ingiriiska oo Ciidamo La Dagaalama Xarakada Al-shabaab Usoo Direysa Gudaha Somaliya

0

Raisul wasaaraha dawlada Britain Theresa May ayaa balan qaaday in Ciidamo dheerad ah oo ingiriiska ka socda ay  usuu dirayso gudaha Somaliya ay si ay uga caawiyaa dowlada Soomaliya ladagaalanka  Xarakada Al shabaab.

Theresa May ayaa hadalkaan ka sheegtay shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobay oo ka socday magaalada New York ee dalka Mareykanka ,waxaana ay intaas ku dartay in dawlada Britain  ay ka ciyaartay door hogaamineed sidii loola dagaalami lahaa kooxaha mitidiinta ah.

Waxa ay sheegtay dawlada Ingiriisku in ay ciidamo dheeraad ah usoo diri doonto Somaliya kuwaa oo tababar siin doona Ciidamada Somaliya si ay ula dagaalamaan Al shabaab, ayadoo 30 kooxood oo tabarayaal ah horay loo geeyay qaybo ka mid ah qaarada Africa kuwaas oo 70 kamid ah ay ku lugleeeyihiin hawgalka ka socda Gudaha Somaliya.

Qorshaha Ingiriisku uu ku taageerayo Somaliya ayaa waxaa la sheegay in ay ka mid tahay lacag gaaraysay £7 million oo kor loogu qaadayo xirfadaha Ciidamada Midawga Africa iyo kuwa Somalida si ay u hormariyaan ammaanka Magaalada Muqdisho iyo meelaha ka baxsan iyo in ay kaga hortagaan qaraxyada .

Dawlada Ingiriiska ayaa sidoo kale waxa ay sheegatay in ay xarun cusub kasamaysan doonto magaalada Muqdisho  ee caasimada Soomaliya halkaa oo 7 shaqaalaha ay ka shaqayn doonaan.

Sidoo kale dawlada Uk ayaa shaacisay in ay martigelindoonto shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Somaliya horaanta sanadka 2017-ka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here