Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Gobalada Dhexe Cali Baashi Aadan Faarax oo la hadlay Idaacada Simba ayaa rajo ka muujiyey Soomaaliya in ay ku guuleysato Dacwada Badda ee ka socota Magaalada Hague ee Wadanka Holland taasi ay qaadayso Maxkamada Cadaalada Aduunka ee Magaceeda loo soo gaabiyo “ICJ”
Madaxweyne ku Xigeenka oo sii hadlayay ayaa Nasiib daro ku Tilmaamay Madaxdii Badda Soomaaliya ka iibiyay Dowlada Kenya isla markaan ku saxiixay Heshiis arintaa ku aadan Magaalada Nairobi ee dalka kenya inay isku soo taagaan inay qabtaan Hogaanka Madaxtimada Soomaaliya.
Sidoo kale Cali Baashi Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Gobalada Dhexe ee ahlusuna ayaa Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka Digtoonaadaan in Xilka Madaxtinimo loo Doorto Siyaasiyiin uu ku eedeeyey inay Shir Qool ku hayaan Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed kuwaasi oo uu ka mid yahay Madaxweynihii Hore Xiligii ku Meel gaarka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed,Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke iyo Wasiirkii Hore Arimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo ah Shaqsiga Gacantiisa ku Saxiixay Sanadkii 2009-kii Heshiskaas oo ah Midka Kenya u suuro galiyey in ay Maamulato Biyaha lagu Muran san yahay.

