Banaanbax Loogu Soo Horjeedo Xad-gudubka Kenya ay ku Dooneyso iney ku Qaadato Badda oo Maanta Dhacaya

0

Banaanbax  uu soo qaban-qaabiyay Maamul Gobolka Banaadir ayaa maanta Lagu wadaa in uu ka dhaco  Fagaaraha ka horjeeda taalada daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere Gobolka Banaadir sida uu maamulka Horey u iclaamiyay.

Banaan-baxan  ayaa looga soo horjeedaa xad-gudubka Kenya ay ku dooneyso iney ku qaadato badda Soomaaliya qeyb ka mid ah, waxaana lagu taageeri doonaa dacwada arintaas la xiriirta ee dowlada Somalia ay ku furtay Kenya taasoo maalmahan ka socota Maxkamada caalamiga ah ee cadaalada ICG oo xarunteedu tahay magaalada Hague ee dalka Holland.

Afhayeenka Gobolka Banaadir Mudane C/fitax Cumar Xalane ayaa sheegay in banaan-baxa uu dhici doono 08:00 am subaxnimo islamarkaana ay kasoo qeyb gali doonaan ururada bulshada degmooyinka magaalada Muqdisho sida haweenka, dhalinyarada, aqoonyahanada iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here