Dhageyso:-Raisulwasaaraha Soomaliya oo Iska Fogeeyay in uu ku Lug Leeyahay Muranka Badda Soomaliya iyo Kenya

0

Raisulwasaara Xukuumadda Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo maanta Gaaray Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa ka Hadlay Muran badda ee ka dhaxeeya Dowladaha Soomaliya iyo Kenya oo haatan  Maxkamadeynteeda ay ka socoto  Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ICJ ee fadhigeedu yahay dalka Netherland.

“Waxaan rabaa  in  aan  hadal ka dhaho arinta Dacwadda Muranka badda ee ka dhaxeeya Dowladaha Soomaliya iyo Kenya  oo haatan Maxkamadeynteeda ay ka socoto Magaalada Haguea ee dalka Holland, runtii xiligii ay Dowladda Kenya badaan Soomaliya ay jeexaysay waxa ay aheyd sanadkii 2005-tii anagana Xiligaas Ma joojin”, ayuu yiri Raisulwasaara  Soomaliya Cumar c/rashiid.

Sidoo kale Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa tilmaamay In Soomaliya  ay rajo wanaagsan ay ka ka qabto in ay guul ay ka gaarto Muranka Badda ee kala dhaxeeya Dowladda Kenya.

Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarka ayaa lagu eedeeyaan in  uu heshiis is-af-garad ah la saxiixday dawladda Kenya bishii April 7, 2008-dii Heshiiskaas oo markii dambe waxba kama jiraan ay ku tilmaantay Qaramda Midoobay (UN) maadaama uu baarlamaanka Soomaliyeed uu hor istaagay sharcinamadiisa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here