Qaramada Midoobay oo Sheegtay in Soomaaliya ay Soo Wajaheyso Cuno Yari baahsan

0

Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in Ku dhawaad shan Million oo Soomaali ah ama in kabadan 40% Bulshada ku nool wadamada geeska Qaarada Africa ay wajahayaan cuno yari aad u baahsan oo soo food saartay gaar Ahaan nafaqo darro aad u daran in ay heysato in ka badan 350,000 oo Caruur ah.

Tirade dadka Soomaalida ah ee Cuni yarida heysato ayaa kor u kacday bishii February 300,000 ayay gaartay ayada oo la eegayo warbixin xafiiska Qaramada Midoobay uu soo saaray dhanka E-mail-ka ah oo uu soo saaray u qaabilsanaha arimaha Bini’aadanimada.

Waana in kabadan 1.1 Million oo Soomaali ah ay la hardamaaya baahi cuno oo Maalin waliba ah iyadoo  3.9 Million oo qof   aysan heysan wax yaabaha Nolosha aasaasiga ah oo ay u baahan yihiin Caawinaad si loo yareeyo Qatarta ay leedahay Mashaqadani dhanka Cunooyinka ee soo wajahday Qoysas Badan oo Soomaaliyeed.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka hadashay Roob yari ka jirta Bartamaha iyo koofurta dalka Soomaaliya oo ah halka inta badan dalagyada kala duwan ay ka soo baxaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here