Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ oo Maanta Dhageysatay Dacwadda Dhinaca Badda ee Soomaaliya+Sawirro

0

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ICJ ee fadhigeedu yahay dalka Netherland waxaa maalintii Labaad ka socda Dacwadda dhinaca badda ee Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeyso iyadoo Maanta ay Maxkamadda dhageysatay Gudiga matalaya difaaca dacwadda badda ee Soomaaliya

Garyqaanada Soomaalida oo uu hor-kacayo Qareenka Guud ee Soomaaliya, Dr. Axmed Cali Daahir, ayaa Maxkamada ka jeedinaya sharciyada ay u cuskanayaan in Maxkamada ay soo fara geliso Muranka kala dhaxeeya Dowlada Kenya ee ku aadan sohdinta Badda

Dhageysiga Dacwadaan ayaa socon doonta illaa iyo Maalinta Jimcaha ah, iyadoona markaa waxii ka danbeeya Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ICJ ee dalka Holland guda geli doonto sidii ay go’aamo ugu gaari laheyd soo jeedinada labada dowladooda ee ku aadan in Maxkamada ay soo dhex gasho arrinkaan iyo in kale.

dacwad-icj-7 dacwad-icj-6 dacwad-icj-5 dacwad-icj-4 dacwad-icj-3 dacwad-icj-2

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here