Ciidamo Kawada Tirsan Dowladda Soomaliya oo Isku Rasaaseeyay Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

0

Inta la xaqiijiyay 1-askari ayaa ku dhintay labo kalana way ku dhaawacmeen kadib Markii Ciidamo ka kala Tirsan Booliska iyo Nabad Sugida dowladda Soomaliya ay isku rasaaseeyeen Nawaaxiga Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Israsaaseenta ayaa timid, kadib markii Ciidamada Nabad Suggida dowlada Somaliya oo ku gudda jira Howlgal la xiriira Suggida ammaanka Magaalada Muqdisho, goob koontarool ah oo ay ku sugnaayeen ciidamo kale isku dayeen inay xoog ku maraan.

Koontaroolka lagu baaro gaadiidka ee ciidamada Nabad Suggida ku leeyihiin wadada aada Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa iyadoo gaadiid fara badan fayl ugu jiraan Baaritaanka amniga, ciidamo Dowladda ka tirsan oo gaari yar wata ayaa waxaay isku dayeen inay dhinac maraan Baaritaanka.

Dhanka kale Ciidamadii isku dayay in ay xoog wadada ku maraan ayaa la sheegay in dhankooda ay Fureen Rasaas aad u fara badan iskastoo dadkii halkaas ku sugnaa ay u kala carareen Jihooyin kala duwan .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here